Dedaalo lagu baajinayo Banaan baxa beri ka dhacaya Muqdisho oo socda

Warar lagu kalsoonaan karo oon helnay ayaa sheegaya in ay socdaan dedaalo xoogan oo la doonayo in lagu baajiyo banaan baxa beri oo khamiis ah lagu wado in uu ka dhaco magaalada Muqdisho, kaa oo looga soo horjeedo Madaxweyne Farmaajo

Banaan baxan ayaa waxaa abaabulayay siyaasiyiin katirsan mucaaradka dowlada kuna siyaasad ah midowga musharaxiinta, waxaana saacadihii lasoo dhaafay si weyn u socday abaabulka banaan baxa.

Sida aan wararka ku helnay xubno katirsan Xukuumadda iyo Midowga Musharaxiinta uu ugu horeeyo Xasan Sheekh Maxamuud , ayaa waday dedaalo ay ku doonayaan in dib loogu dhigo banaan baxa .

Waxa ayna xubnaha ka codsadeen kooxda wada abaabulka in dib loo dhigaan sababo la xariira qaraxa maanta ka dhacay magaalada Muqdisho iyo xaalado kale oo amaan daro oo soo kordhay.

Banaan baxan lagu wado in uu ka dhaco magaalada Muqdisho ayaa waxaa ogolaatay wasaarada amniga guddaha xukuumadda Soomaaliya ,hasa ahaatee waxaa banaan baxan kasoo horjeeday sharci darana ku tilmaamay maamulka gobolka Banaadir.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -