Wararkii Ugu Dambeeyay qaraxii xooganaa ee ka dhacay magaalada Muqdisho (Sawirro)

Qarax xoogan oo loo adeegsaday gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay ayaa maanta ka dhacay agagaarka Xerada ciidamada cirka ee Afisiyooni  gaar ahaan meel ku dhaw wadada jayga ee aada garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho.

Sida aan wararka ku helnay gaariga waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay ayaa lagu weeraray gaari nuuca aan xabadaha karin iyo gaadiid kale oo marayay agagaarka koontaroolka laga galo wadada Jayga ee aada garoonka Aadan Cadde.

Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay qaraxan xoogan ee goordhaw ka dhacay Muqdisho, mana jiro ilaa hada faah faahino dheeraad ah oo laamaha amaanka ka bixiyeen qaraxan iyo khasaraaha ka dhashay.

Muuqaalo iyo sawirro laga soo qaaday ayaa muujinayay waxyeelo xoogan uu qaraxa gaarsiiyay gaadiidka lagu weerararay, waxaana warar soo baxayay sheegayaan in gaadiidka la weeraray ay la socdeen saraakiil katirsan Qaramada Midoobay.

Qaraxan ayaa imaanaya xili lagu wado in magaalada Muqdisho bari ka dhacaan banaan bax weyn oo looga soo horjeedo Madaxweyne Farmaajo laguna taageerayo Ra’isul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -