Allbanaadir.com
NEWS

(Daawo Sawirro) Ciidamo ka tirsan Xoogga dalka oo loo tababaray ka hortagga qaraxyada

Ciidamo ka tirsan kuwa xoogga dalka ayaa tababar ku saabsan ka hortaga qaraxyada loogu soo gabagabeeyay Magaalada Buula-burde ee gobolka Hiiraan.

Tababarkan ayaa loo qabtay in ka badan 30 askari oo ka tirsan Ururka saddexaad oo ka tirsan guutada shanaad ee ciidamada xoogga dalka oo ka howlgala Magaalada Buula burde, waxana tababarkan bixinayay saraakiil ka tirsan ciidamada AMISOM ee ka socda dalka Jabuuti.

Taliyaha Ciidamada Ururka saddexaad Col. Cabdullahi Barre  ayaa sheegay in waxyaabaha ay barteen ciidamada ay ugu adeegi doonaan shacabka si looga hortago weerarada & qaraxyada ee ay geystaan kooxda Al-Shabaab.

Waxaa uu mahad celiyay Saraakiisha ciidamada AMISOM ee tababarkan bixinayay isagoo sheegay inuu wax badan ka  ka badali doono  khatarta ay kala kulmaan ciidamada iyo shacabka qaraxyada ay dhigaan  Al-Shabaab.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Muxuu Deni ku soo arkay Safaarada Somalia ku leedahay Lusaka-Zambia? (Sawirro)

Caydiid Ali

Dilal maanta ka dhacay Muqdisho iyo Al Shabaab oo War kasoo saartay

Cabdi Cade

Hogaamiyaha Xamaas: “Mareykanka ayaan u heysanaa xasuuqa ka dhacay Gaza”

Caydiid Ali
Taboola Ads ---