Qarax weyn oo Ismiidaamin ah oo goordhaw ka dhacay magaalada Muqdisho

Qarax aad u xoogan oo loo adeegsaday gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay ayaa goordhaw ka dhacay agagaarka Dugsiga 21-ka October ee kuyaala agagaarka wadada jayga ee aada garoonka diyaaradaha Aadan Cadde.

Sida aan wararka ku helnay gaariga waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay ayaa lala beegsaday gaadiid marayay goobta uu qaraxu ka dhacay, walina lama oga cida lala beegsaday qaraxa iyo khasaaraha kasoo gaaray.

Wararka hordhaca ah aan heleyno ayaa sidoo kale sheegaya in gaadiidka qaraxa lagu weeraray ay wateen saraakiil katirsan UN-ka, waxaana goobta qaraxu ka dhacay gaaray oo xiray ciidamada amaanka.

Waxii warar kusoo kordha kala soco Wararkayaga dambe insha allah

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -