Wasaaradda Amniga oo fasaxday Banaan baxa beri amarna siisay Booliiska

Wasaaradda Amniga xukuumadda Soomaaliya ayaa qoraal ay soo saartay ku ogolaatay in beri oo khamiis ah magaalada Muqdisho banaan bax nabadeed ku qabsan karaan golaha bulshada Banaadir  .

Wasiirka amniga gudaha Mudane Cabdullaahi Maxamed Nuur ayaa faray taliyaha ciidanka booliiska Soomaaliya iyo taliyaha booliiska qeybta gobolka Banaadir in ay ilaaliyaan amaanka dibad baxayaasha.

Waxa ay sidoo kale wasaaradda amniga gudaha xukuumada Soomaaliya ugu baaqday qaban qaabiyaasha banaan baxa looga soo horjeedo afgembigii fashilmay in ay ka fogaadaan rabshado lana shaqeeyaan laamaha amaanka.

Qoraalkan goordhaw kasoo baxay wasaarada amniga guddaha xukuumadda Soomaaliya ayaa kusoo aadaya xili maamulka gobolka Banaadir uu mamnuucay sharci darana ku tilmaamay banaan baxa beri ka dhacaya Muqdisho.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -