Iska horimaad Gaalkacyo ku dhexmaray Maleeshiyo kala taabacsan Puntland & Galmudug

Suuqa weyn ee ku yaalla bartamaha Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug ayaa barqanimadii maanta waxaa ka dhacay iska horimaad geystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Iska horimaadka ayaa u dhaxeeyay laba maleeshiyo oo ka soo kala jeeda Maamulada Puntland iyo Galmudug ee Magaaladaas ay u qeybsan tahay.

Wararka ayaa sheegaya in iska horimaadkan uu ka dhashay askari ka tirsan kuwa canshuuraha oo Suuqa ku dhex dilay qof rayid ah taasoo dhalisay in labada maleeshiyo ay halkaas ku dagaalamaan.

Labo ruux ayaa inta la xaqiijiyay ku geeriyooday dagaalka Maanta ka dhacay Bartamaha Suuqa Magaalada Gaalkacyo, iyadoo qaar kale ay ku dhaawacmeen.

Ciidamo ka tirsan kuwa XDS oo dhawaan Gaalkacyo la geeyay iyo ciidamada isku dhafka ah ee magaalada loo sameeyey ayaa markii dambe kala dhex galay labada maleeshiyo, waxaana haatan degan xaalada magaalada, iyadoo ay socdaan xiriiro iyo kulamo lagu doonayo in xiisadaas lagu demiyo.

Iska horimadka ka dhacay Gaalkacyo ayaa ku soo aaday xilli uu magaaladaas ku sugan yahay halkaas Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland Cabduweli Maxamed Cali Gaas oo maalmo ka hor booqday koonfurta Gaalkacyo si diirana ay halkaas ugu dhoweeyeen ma’suuliyiin ka tirsan Galmudug.

Labada maamul ayaa hadda u muuqda iney culeys badan saarayaan sidii loo abuuri lahaa jawi nabadeed oo ay ku wada noolaadaan shacabka Magaalada Gaalkacyo si aysan u soo laaban dagaalo lagu hoobtay oo horey uga dhex dhacay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -