Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Dowlada Maraykanka: “Farmaajo waxaan ku boorinay inuu taageero dedaalka Rooble”

Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka ee Afrika Molly Phee ayaa ka warbixisay wadahadalo ay khadka telefanka kula yeelatay Madaxweyne Farmaajo iyo raisul wasaare Rooble uu khilaaf adag uu soo kala dhex galay.

“Waxaan maanta kala hadlay madaxweynaha Soomaaliya baahida degdega ah ee loo qabo joojinta hadalada xanafta leh iyo ficillada kicinaya colaada. Waxaan ku adkeeyay in ciidamada ammaanku ay dhexdhexaad ka ahaadaan arrimaha siyaasada. Waxaana ku booriyay inuu taageero Rooble” ayay tiri Molly Phee oo qoraal ku baahisay barta Twitterka.

Molly Phee ayaa dhinaca kale caddeysay taageerada ay u hayaan dadaalka Ra’iisul Wasaare Rooble ugu jiro qabashada shirka Golaha Wadatashiga Qaran, si loo saxo khaladaadka doorashada iyo inuu si degdeg ah u soo gabagabeeyo doorashooyin lagu kalsoonaan karo.

“Sidoo kale waxaan la hadlay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya si aan u cadeyno taageeradayada ku aadan dadaalka uu ku doonayo inuu qabto shirka golaha wadatashiga si loo saxo khaladaadka doorashada iyo in si degdeg ah loo soo gabagabeeyo doorashooyin lagu kalsoonaan karo. Dhammaan dhinacyadu waa inay joojiyaan falalka sii hurinaya, ciidamada ammaankuna waa in ay dhexdhexaad ka ahaadaan” ayey hadalkeeda ku soo xirtay Molly Phee.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Gunter Noote oo tagay Hargeysa lana kulmay Madaxweyne Biixi (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Milatariga Somalia oo sheegay in ay qabteen Sargaal iyo xubno badan oo katirsan Al Shabaab

Cabdi Cade

Dowlad Afrikaan ah oo dhalasho siineysa ajaaniib ay ku jiraan dad Soomaali ah

Caydiid Ali
Taboola Ads ---