Qoor-qoor iyo Wafdigiisa oo si diiran loogu soo dhoweeyey dalka Jabuuti (Sawirro)

Wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa galabta gaaray Magaalada Jabuuti ee dalka Jabuuti.

Waxaa garoonka dayuuradaha Magaalada Jabuuti si diirran ugu soo dhaweeyay madaxweynaha iyo wafdigiisa masuuliyiin kala duwan oo ugu horeeyo Wasiirka Arrimaha Gudaha Jabuuti, wasiiro iyo xubno kale oo ka tirsan Dowladda Jibuuti, Danjiraha Jabuuti u fadhiya Muqdishu iyo masuuliyiin sare.

Qoor-qoor iyo wafdigiisa ayaa booqasho rasmi ah ku soo gaaray dalka Jabuuti halkaasoo uu shirar muhiim ah kula yeelan doono madaxda dalkaas iyo xubno kale.

Madaxweynaha Galmudug Axmed Qoorqoor ayaa safarkiisa waxaa uu la xiriira aarrimo ku saabsan Dhismaha Dekeda Hobyo, isagoo dowladda Jabuuti weydiisan doono sidii ay gacan uga geysan laheyd dhismaha Dekedaas.

Dalka Qatar ayaa weli war iyo wacaal laga heyn, tan iyo markii sanad ka hor balanqaaday inay dhiseyso Dekeda Hobyo, iyadoo Mas’uuliyiin ka socday dowladda Qatar ay booqdeen Hobyo bilowgii sanadkan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -