Labiska Gabar Wariye ah oo Muran badan ka dhaliyay Sacuudiga (Daawo Sawirada)

Labiska gabar Wariye ah oo ka shaqeeneysay Telefishinka  Al Aan ee xaruntiisu tahay dalka Imaaraadka Carabta ayaa muran badan ka dhaliyay Boqortooyada Sacuudiga, waxa ayna arintan noqotay mid si weyn looga hadal hayo baraha bulshada.

Shireen al-Rifaie ayaa dhar aan asturneyn oo jirkeedu ka muuqdo soo xiratay xili ay tabineysay Barnaamij toos ah oo looga hadlayay xayiraada dhinaca kaxeynta baabuurta ee laga qaaday Dumarka Sacuudiga.

Muuqaal la duubay ayaa laga arkayay gabadha Wariyaha oo xiran dhar jilicsan, waxaana mar qura dharkaasi gabadha ka feeday dabeyl iyada ay soo muuqdeen dhar ay hoos ka wadatay.

Baraha Bulshada ayaa si weyn looga hadal hayaa sheekada gabadhan, waxaana gudaha Sacuudiga dadka ku hadal hayaan Baraha Bulshada iyaga oo isticmaalaya  hal kudhigga ah ” haweenay qaawan”.

Shireen al-Rifaie ayaa beenisay eedeynta loo soo jeediyay ee ku aadan in ay xiratay dhar aan asturneyn, waxa ayna gabadhan sheegtay in ay xirneyd dhar asturan balse iyada si qaldan wax looga sheegayo.

Dowlada Sacuudiga ayaa la sheegay in arintan baaritaano ku heyso , waxaana Gabadhan Wariyaha u dhooftay dalka Imaaraadka Carabta oo ah xarunta uu kuyaalo Telefishinka Al Aan ee u shaqeyso.

Sacuudiga waxaa ka jira sharciyo adag oo ka dhan ah sida ay haweenka u labistaan, waxaana haweenka dalkaasi u dhashay iyo kuwa kunool  looga baahanyahay inay xirtaan dhar asturaya jirkooda oo dhan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -