Qatar oo beenisay hadal ka soo yeeray Safiirkii hore ee Maraykanka u joogay Somalia

Dawladda Qatar ayaa beenisay inay jiraan lacago ay Soomaaliya usoo mariso Agaasimaha Hay’adda Nabad-Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya (NISA) Fahad Yaasiin.

Eedayntaas ayaa ku jirtay waraysi uu VOA siiyey safiirkii hore ee Maraykanka ee Soomaaliya Stephen Schwartz.

Qatar ayaa qoraal ay soo ku sheegtay inaysan jirin lacag madow oo ay Soomaaliya geliso, balse waxay sheegtay inay sanadkii tegay miisaaniyadda dowladda ku taageertay $20 milyan.

Sidoo kale waxay intaas ku dartay in sanduuqa maalgelinta Qatar uu mashaariic isugu jira dib u dhis, shaqo abuurka dhalinyarada iyo xoojinta heyada dowlada ka wado Somalia.

Dowlada Qatar ayaa sheegtay in taageerada ay siiso Soomaaliya ay waafaqsan tahay dedaalada ay QM iyo beesha caalamka ka geysaneyaan xoojinta hanaanka dowladnimo ee Somalia.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -