Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Tirada dadka caalamka ka yimid ee gudanaya Xajka sanadkan oo la shaaciyey

Sacuudiga ayaa sheegay in dalkaas ay gaareen ilaa 1,655,188 qof oo doonaya inay gutaan waajibaadka Xajka.

Dadkan ayaa isugu jira kuwo safra dhulka ah ku galay dalkaas iyo kuwo diyaarad ku tagay.

Waaxda socdaalka ee sacuudiga ayaa sheegtay in aad la isugu diyaariyay hab maamulka Xajka ee sanadkan.

Ilaa labo milyan oo qof ayaa sanadkan loogu talogalay inay gutaan waajibaadka Xajka

Dowladda Sacuudiga ayaa tirada dadka gudanaya Xajka u qoondeysa dalalka taasoo lagu saleeyo baaxada iyo tirada shacabka ku nool dalka

Dalka Inodnesia ayaa hela tirada ugu badan ee adka loo ogol yahay xajka, waxaa ku xiga Pakistan, Hindiya, Bangladesh iyo Nigeria.

Xujeyda Soomaaliyeed ee sanadkan ayaa tiradooda gaareysaa 11650 Xaaji oo ka kala yimid waddamo kala duwan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Al Shabaab oo saakay dagaal looga saaray deegaan ay gacanta ku hayeen

Cabdi Cade

Safaarada Mareykanka ee Magaalada Beirut oo la weeraray & baaritaan socda (Sawirro)

Caydiid Ali

Somaliland oo laga arkay bisha Shawal & Madaxweyne Cirro oo hadlay

Caydiid Ali
Taboola Ads ---