(Sawirro) Nin ku hubeysnaa Qaanso & Leeb oo dad badan ku laayey dalka Norwey

Ciidanka Booliska Norway ayaa sheegay in la qabtay qof lagu tuhunsan yahay weeraro dhowr qof lagu dilay oo ka dhacay ee degaanka Kongsberg oo ku dhow Magaalada caasimada ah ee Oslo, fiidnimadii Arbacada.

Booliiska ayaa booqday goobta kadib markii ay heleen farriimo dhowr ah abaaro 6:13 fiidnimo kuwaasoo sheegaya in degaanka Kongsberg uu dad badan ku laayey nin wata qaanso iyo leeb.

Eedeysanaha ayaa ku dhawaad ​​30 daqiiqo si aan kala sooc lahayn u laynayey dadka

Ugu yaraan afar qof ayaa la sheegay inay ku dhinteen weerarka tiro intaas ka badanna ay ku dhaawacmeen. Waxaana mas’uuliyiintu ay hubinayaan in weerarka uu salka ku hayo ujeedo argagixiso iyo in kale.

Taliyaha booliiska Oeyvind Aas ayaa yiri: “Ninka waa la xiray “Dhowr qof ayaa dhaawacmay, dhowrna waa dhinteen.”

Duqa magaalada, Kari Anne Sand, ayaa iyana tiri: “Tani waa dhacdo naxdin leh, wax kale oo la sheego ma jiraan. Hadda waa inaan isku daynaa inaan daryeelno dadka deegaanka sida ugu wanaagsan ee aan awoodno”

Goobjoogayaal ayaa sheegaya in dhacdadan foosha xun ay ka bilaabatay Dukaanka Coop. Wicitaanada gurmadka ayaa la sameeyay 6:13 pm. waqtiga maxalliga ah, halka sawirrada fallaadhaha la tuuray lagu wadaagay warbaahinta bulshada. Qeyb weyn oo magaalada ka mid ah ayaa weli xiran.

Eedeysanaha ayaa la sheegay inuu ku xiran yahay magaalladda Drammen oo qiyaastii 40 KM u jirta.

Toban sano ayaa laga joogaa markii ka tirsanaa kooxda garabka midig oo la yiraahdo Anders Behring Breivik uu 77 qof oo ay ku jiraan carruur badan ku dilay caasimadda Norway ee Oslo iyo jasiiradda Utøya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -