Mid kamid ah Xulalkii ka haray Koobka Aduunka oo shaaciyay in Soonka uu saameyn ku yeeshay

Dalka Ruushka waxaa si xamaasad leh uga socda koobka Aduunka ay ka qeyb galayaan Wadamo kala duwan, waxaana wadamadii ka qeyb galay koobka Aduunka ku jiray Wadamo Muslin ah.

Xulka Qaranka Masar ayaa koobka Aduunka kala soo laabtay guul darooyin xanuun badan, waxaana xulkaasi laga badiyay sadexdii kulan ay la ciyaareen Wadamada Urugway, Ruushka iyo Sacuudiga.

Madaxa Xiriirka kubadda cagta ee dalka Masar ee loo soo gaabiyo (EFA) Hany Abo Rida ayaa sheegay in ciyaartoyda Masar uu saameyn ku yeeshay bishii Ramadaan, waxa uuna xusay in ciyaartoyda ahaayeen kuwa sooman xiligii ay diyaar garowga ku jireen.

Waxa uu sheegay Abo Rida in ciyaartowda Masar ay diideen in ay soonka furaan , waxa uuna intaa raaciyay in guul darooyinka soo gaaray ay sabab u ahaayeen ciyaartoyda oo soomanaa.

“Si xun ayay noo saamaysay, waan la hadlay koobka aduunka ka hor balse way diideen in ay soonka furan,waxa uu Ramadanka dhamaaday maalin ka hor furitaanka koobka aduunka balse Soonka ayaa saameeyay ciyaartoydeena” Ayuu yiri Abo Rida.

Waxa uu sheegay in ay aysan soomin ciyaartoy badan oo matalayay qaar kamid wadamada Muslimka ee ka qeyb galayay koobka Aduunka, waxa uuna shacabka Masar ka raali galiyay guuldaradii xulkooda soo gaartay.

Macalinkii xulka kubada cagta ee Masar Hector Cuper, ayaa isaga tagay shaqada macalinimo ee xulkaasi, waxa uuna xiriirka Masar hada raadinayaa macalin cusub oo bedela macalinkii shaqada ka tagay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -