Dharbaaxo Siyaasadeed oo ku dhacday Madaxweyne Biden iyo qorshe uu waday oo halis ku jira

Madaxweynaha dalka Mareykanka Joe Biden ayaa waxaa ku dhacday dharbaaxo weyn oo siyaasadeed, waxaana xiligan halis ku jira in uu fashilmo hindise sharciyeedka weyn oo ay doonayaan in Biden iyo xisbigiisa la meel mariyo.

Senator Joe Manchin oo katirsan xisbiga Madaxweyne Biden ee dimoqraaddiga ayaa kahor yimid sidoo kale  diiday inuu taageero qorshaha dib u qaabeynta Deegaanka iyo Bulshada Mareykanka ee Aqalka Cad ololaha ugu jiro.

Madaxweyne Biden ayaa doonaya hirgalinta Qorshahan oo ay ku kaceyso xirmo dhaqaale oo gaareysa $2 trillion oo dollar, waxaana qorshahan Biden doonayaa in dib loogu qaabeeyo kaabayaasha dhaqaalaha, sida waxbarashada, isbaddalka cimmilada, daryeelka waayeelka iyo carruurta.

Qorshahan uu wado Madaxweyne Biden waxaa kasoo wada horjeeda xisbiga Jamhuuriga , waxaana loo baahan yahay si qorshahan u noqdo mid hirgala oo guuleestay dhamaan codadka 51-da Xubnood ee golaha Senetka oo ka kooban 100-kursi.

Senator Joe Manchin, ayaana wareysi uu siiyay telefishinka Fox News ku sheegay in uusan u codeyn karin uuna diidan yahay qorshahan, waxaana Madaxweyne Biden iyo xisbigiisa ku guul dareesteen in Senatorka ku qanciyaan in qorshahan u codeeyo.

Madaxweyne Biden ayey arintan ku tahay fashil iyo dharbaaxo siyaasadeed, waxaana senatorkan diidan meel marinta qorshaha xisbiiga laga soo doortaa gobolka West Virginia oo ah gobol dhaqan ahaan Jamhuuri ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -