Allbanaadir.com
HIRSHABELLENEWS

Madaxweyne Farmaajo oo gaaray magaalada Baladweyne (Daawo Sawirada)

Madaxweynaha dowlada federaalka Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa gaaray magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, si uu ugu kuur galo dhibaatada ka dhalatay Fatahaada Wabiga Shabelle.

Farmaajo iyo wafdigiisa waxaa magaalada Baladweyne kusoo dhaweeyay Madaxweynaha maamulka Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare , Wasiiro iyo Xildhibaano katirsan Dowlada federaalka iyo maamulka gobolka Hiiraan.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa la kulmi doona Masuuliyiinta dowlada iyo kuwa Hirshabelle ee ku sugan magaalada Baladweyne, waxa uu sidoo kale Madaxweynaha inta uu joogo Baladweyne u kuur gali doonaa xaalada dadka ku barakacay fatahaada wabiga.

Related posts

Diyaarado Dagaal oo Maraykanka iyo Shiinaha leeyihiin oo isku dhici gaaray

Cabdi Cade

Amar kasoo baxay Kheyre oo lagu joojiyay qorista Shaqaalaha isku bedelka (Akhriso)

Cabdi Cade

Shirka Madaxda maamul goboleedyada oo ka furmaya Dhuusomareeb iyo Ajandaha shirka …

Cabdi Cade
Taboola Ads ---