Twitter oo beenisay eedeymo culus oo kaga yimid Masuul laga eryey shaqada

Madaxii hore ee arrimaha amniga u qaabilsanaa shabakadda Twitter oo dhowaan shaqada laga eryey, ayaa shirkaddaas ku eedeeyey inay khatar ku hayso xogta gaarka ah ee macaamiisheeda isticmaala ee gaaraya illaa 238-ka million ee qof.

Waxaa uu si gaara u sheegay in dadka ay khataraha ku hayaan ay ku jiraan hay’adaha dawladda iyo dadka kale ee magaca leh, arrintaas oo uu ku tilmaamay inay tahay mid muujinaysa walaac la xiriira amniga qaranka.

Peiter Zatko – oo aqoon durugsan u leh, xirfadaha lagu jabsado computer-ada – ayaa shirkadda Twitter u qaabilsanaa dhinaca ammaanka, waxaana shaqaaleeyey madaxa shirkaddan ee Jack Dorsey, hase ahaatee bishii January ee sannadkan ayaa shaqada laga cayriyey iyadoo lagu eedeeyey inuu shaqadiisa ka gaabiyey.

Eedaha uu soo jeediye Peiter Zatko waxaa ku jira, inuu dhaliilay siyaasadaha shirkadda uga degsan, habka loola macaalimayo account-nada been abuurka ah ee la samaysto iyo weliba sida looga hortegayo in la jabsado macluumaadka isticmaalayaasha shirkadda Twitter.

Zatko, waxyaabaha kale ee uu shirkadda Twitterka ku eedeeyey waxaa ku jiray, inay ku xadgudbeen heshiiskii ay sannadkii 2011 ay la gaadheen Guddida Ganacsiga heer Federaal ee Maraykanka, iyagoo guddidaas u sheegay in shirkaddu ay leedahay hannaan adag oo ammaan ah oo ay kaga hortegi karaan in la jabsado macluumaadka macaamiisha.

Zatko ayaa sheegay inuu jiro xagal-daac dhinaca amniga ah, oo ay sabab u yihiin in Computer-ada iyo Softwares-ka lagu kaydiyo xogta macaamiishu inay yihiin kuwo duug ah.

Arrimaha ku xusan eedaha uu jeediyey Zatko ayaa qaarkood ay ku jiraan macluumaad si qarsoodi ah loogu diray bishii July ee sannadkan, saddex hay’adood oo ka tirsan dawladda Maraykanka oo ay ku jirto Waaxda Caddaaladda ee Maraykanku.

Afhayeen ka tirsan shirkadda Twitter ayaa beeniyey eedaha loo soo jeediyey, isaga oo sheegay in Zatko shaqada looga eryey hoggaan xumo iyo waxqabad la’aan, isagoo sheegay inay illaa haatan eedaha ay arkeen ay yihiin sheekooyin been abuur ah oo ka dhan ah shirkadda Twitter.

- Advertisement -