Ra’isul Wasaare Rooble oo soo bandhigay dhibaatooyin ay sababeen doorashada daahday

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo xalay khudbad ka jeediyay munaasabad ka dhacday magaalada Baydhabo ayaa ka hadlay hakadka galay doorashada iyo dhibaatooyin ay dalka dhaxal siiyeen.

Rooble ayaa sheegay in doorashada golaha shacabka ku bilaabatay qaab gaabis ah, waxa uuna ugu baaqay maamul goboleedyada aan wali bilaabin doorashada in si deg deg ah doorashada u bilaabaan sidoo kale dar dargaliyaan doorashada kuwii horey u bilaabay.

Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya ayaa sheegay in hakadka galay doorashada in ay sababeen in ay yaraadaan dhaq dhaqaaqyadii dhinaca ganacsiga sidoo kale ay hakad galeen masharicdii lagu caawin jiray dalka .

Rooble ayaa sheegay in sida ugu dhaqsiyaha badan Golaha wadatashiga Qaran ay fadhi ka yeelan doonaan arrimaha doorashooyinka si shacabka soomaaliyeed iyo daneyaasha loogu cadeeyo xiliga sida rasmiga ah loo soo gabgabeyn doono doorshada.

Doorashada Soomaaliya oo waqti badan ka dib dhacday xiligii horey loo qorsheeyay ayaa sababtay in dalku galo xaalad hubanti la’aan ah, waxaana hakaday dhaqaalihii beesha caalamka siin jirtay Soomaaliya iyadoona sicir barar dalka laga dareemay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -