Nooca cusub ee cudurka COVID-19 (Amicron) oo si xowli ah ugu faafaya caalamka

Nooca Coronavirus ee Omicron ayaa dunida ugu faafaya si xowli ah, sida ay sheegtay digniin ay soo saartay Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO.

Kiisaska noocan aadka u faafaya ayaa lagu arkay ilaa 77 dal oo caalamka ka tirsan.

Madaxa WHO Tedros Adhanom Ghebreyesus ayaa sheegay inay jiraan dalal kale oo badan oo aan weli aqoonsan noocan cusub, isagoo xusay inuu ka wlaaacsan yahay inaan wax badan la sameyn si wax looga qabto noocan ka mid ah xanuunka safmarka ah ee Covid-19.

“Hubaashii, waxaan haatan ogaannay inaan dhayalsanno fayraskan. Xitaa haddii Omicron uu sababo xanuun yar, tirada kiisaska ayaa mar kale culeys ku keeni doonta waaxaha caafimaadka,” ayuu yiri.

Nooca Omicron ayaa bishii November markii ugu horreysay laga helay Koonfur Afrika, dalkaas ayaana kaddib la kulmay koror dhanka tirada dadka uu soo ridanayo ah. Madaxweyne Cyril Ramaphosa ayaa laga helay xanuunka Covid-19, waxaana haatan isbitaalka looga daweynayaa calaamadaha xanuunka oo aan sidaas u darneyn.

Talyaaniga ayaa kordhiyay muddada bandowga dalkaasi saaran isagoo ka dhigay ilaa 31 March 2022, sababo la xiriira walaac laga qabo Omicron. Tallaabooyinka, oo lagu waday inuu xilligoodu ku ekaado dhammaadka December, ayaa dowladda siinaya awood dheeri ah oo ay ku xadiddo safarka iyo isu imaatinnada dadka

Dalka Netherlands ayaa sheegay inuu xiri doono dugsiyada hoose toddobaad ka hor ciidda masiixiyiinta ee Christmas-ka, tan oo looga gol leeyahay wax ka qabashada xanuunka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -