(Akhriso) Madaxda Jubbaland & K/Galbeed oo War Murtiyeed ka soo saaray Kismaayo

Madaxweynaha Koonfur-galbeed Mudane Cabdicasiis Xassan Maxamed (Laftagareen) oo booqasho qaadatey muddo laba maalmood ku joogay Magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ah ee Dowladda Jubaland.

Shirar iyo wadatashiyo ay yeesheen Madaxweynaha Dowladda KG iyo Madaxweynaha Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaan ayaa lagaga hadlay iskaashiga labada maamul iyo xaalada guud ee Dalka.

Shirarkaan ayaa waxaa si qoto-dheer loogu falanqeeyey Abaaraha, Aminiga, Horumarinta Dhaqaalaha, Ganacsiga, Isdhexgalka Bulshada, Xoojinta Hannaanka Federaalka iyo qodobo kale waxaana laga soo saaray qodobadan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -