Mareykanka iyo UK oo iska kaashanaya wax ka qabashada arrin ka taagan Somalia

Dowladaha Ingiriiska iyo Mareykanka ayaa si wadajir ah uga jawaabaya abaaraha sidda xoogan ugu duftay dalka Soomaaliya sida lagu sheegay qoraal ay soo saartay safaarada Mareykanka ee Muqdisho.

Maanta, hay’addaha gargaarka UK iyo USAID waxay saxiixeen Heshiis Iskaashi Horumarineed ah oo ku bixeyso lacag dhan 10 milyan oo doolar oo ah maalgelinta wadajirka ay ugu deeqayan daladda BRCiS  ee barnaamijka ka hortagga macluusha iyo cuna yarida.

Maalgelintan wadajirka ah waxay awood u siin doontaa daladda BRCIS inay ka jawaabto baahiyaha degdega ah ee sii kordhaya iyadoo bixinayso xirmo adeegyo naf-badbaadin ah iyo waxqabadyo kale oo kordhinaayo adkeysiga muddo 5 bilood ah.

Dadaaladan isku dhafan waxay diiradda saareysaa waxqabadyada naf-badbaadinta degdegga ah sidda caafimaadka iyo nafaqada, helitaanka biyaha, nadaafadda iyo fayadhowrka iwm iyo qaadashada hab ku salaysan suuqa si loo yareeyo israafka iyada oo loo marayo waxqabadyo dhinaca sahayda ah oo lala yeelanaayo shirkadaha gaarka loo leeyahay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -