Madaxweyne Laftagareen oo kulamo ka wada Magaaladda Kismaayo (Sawirro)

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen) ayaa Magaalada Kismaanyo kulan kula qaatay Qeybaha kala duwan Bulshada Jubbaland ee ku nool Magaalada Kismaanyo

Kulanka Waxaa sido kale ka qeyb galay Gudoomiyaha Baarlamaanka Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Shekh Cabdi Maxamed iyo Xubno ka socday Gollaha Wasiirada labada Dowlad Goboleed.

“Jubaland iyo Koonfur Galbeed waxay isku yihiin iyo waxa ka dhaxeeya waa wax aan dadka oo dhan ka dhaxeynin. Dal, deegaan, deris, daaq, siyaasad iyo walaalnimo ayaa ka dhaxeysa, arrintaas iyada ah waa inaan labajibbaarno, oo aan nooleyno xiriirkii, ha noqoto siyaasad ama amni ha noqdo ama isdhexgalka bulshada ha noqdo,” ayuu yiri.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa Arbacadii gaaray magaalada Kismaayo, iyadoo ay booqashadiisa dhalisay su’aalo iyo hadal hayn badan.

Waa markii ugu horreysay ee uu Cabdicasiis Xasan Maxamed lafta-gareen booqdo magaalada Kismaayo tan iyo intii uu madaxweynaha ka noqday Maamulka uu fadhigiisu yahay magaalada Baydhabo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -