Maamulka Hirshabeelle ayaa soo saaray amar cusub oo ku wajahan heyadaha samafalka ee ka howlgala degaanada hoos taga maamulkaas.
Wasaaradda qorsheynta Maalgashiga ee Hirshabelle ayaa fartay Hey’adaha Samafalka ee Ka howlgala Deegaanada Hirshabelle in ay iska soo diiwaan galiyaan Wasaaradda Qorsheynta ugu Dambeyn 31-da Janaayo ee sanadka 2020.
Warka kasoo baxey Wasaaradda ayaa lagu sheegay in sanadkii tegay ee 2019 degaannada Hir-shabeelle ay ka dhaceen arrimo dabiici ah sida fatahaadaha ayna Wasaaradda Sanadkaan 2020 qorsheyneyso dardar gelinta Shaqooyinkeeda.
Degaanada Hirshabelle ayaa waxaa ka howlgala heyaddo samafal oo iskugu jira kuwo caalami ah iyo NGO-yo Soomaali ah oo qandaraasyo ka qaatay heyadaha Qaramada Midoobay ee ka howlgala Somalia, mana jiraan waxqabad muuqda oo ay ka qabteen dhibaatooyinka ka jira gobolada Sh/dhexe iyo Hiiraan.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com