Wasiir sheegay in Muqdisho yaalaan Isbaarooyin Gaadiidka Lacago looga qaado

Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Dowlada Soomaaliya Cumar Cali Rooble ayaa sheegay in ciidamada dowlada ee ku sugan koontaroolada kuyaala magaalada Muqdisho lacago baad ah ka qaataan gaadiidka iyo mootooyinka halkaasi mara.

Waxa uu sheegay wasiirka in sumcad daro ku tahay sharafta iyo shaqada ciidanka dowlada gaar ahaan kuwa booliiska in dadka shacabka ah lacago baad ah ka qaadaan cidii aan bixin lacagtana ay wadada ka celiyaan.

“Goobaha hubinta Ciidamada amniga u xilsaaran ee jooga waxaa ka socda dhac dadban oo aan indhaha laga qabsan Karin, Gaadiidkii iyo weliba Mootadii aan lacag dhiibin magaalada uma gudbi karaan, telefoonka haddii aan lacag kusoo dhicin dib u laabo wax la aqbali karo ma aha waana in wax laga qabtaa” ayuu yiri Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Diinta.

Ciidamada booliiska ee ku sugan Isgoosyada magaalada Muqdisho ayaa gaadiidka ay shacabka wataan ee mara halkaasi ka qaata mararka qaar lacago baad ah, gaadiidka aan dhiibin ayaana lagu qasbayaa in wadada uu dib ugu laabto.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -