Allbanaadir.com
JUBALANDNEWS

Axmed Madoobe & Taliyaha AFRICOM oo qodobo Muhiim ah ka wada hadlay (Sawirro)

Madaxweynaha Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa Kulan la qaatay Taliyaha howlgalka Maraykanka ee Africom Jeneraal Stephen Townsend, oo booqasho ku tagay magaalada Kismaayo.

Stephen Townsend ayaa waxaa safarkiisa Kismaayo ku wehlinayey saraakiil kale oo ka tirsan ciidamada Maraykanka.

Kulanka waxaa lagaga hadlay sidii la iskaga kaashan lahaa la dagaalanka waxaa loogu yeero Argagixisada iyo sidii Maraykanku uu door muuqda uga qaadan lahaa in la wiiqo awoodeeda.

Maraykanka ayaa ciidamadiisa kala baxay Somalia bilowgii sanadkan ka dib amar ka soo baxay Madaxweynihii xilka ka degay Trump inkastoo maamulka cusub ee uu hogaamiye Biden ay dhowaan sheegeen iney dib u eegis ku sameynayaan talaabada ciidamada looga saaray Somalia.

Maraykanka ayaa waxaa hadda Muqdisho ka jooga ku dhowaad 100 askari oo ilaalo ka haya safaarada Maraykanka ee Somalia.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Rag lagu tuhmayo in Al Shabaab basaas u ahaayeen oo gacanta lagu dhigay (Sawirro)

Cabdi Cade

Sh. Aadan Madoobe oo hoygiisa kula tukaday Masuuliyiin kala duwan (Sawirro)

Caydiid Ali

Saraakiil iyo ciidamo ka tirsan Kumandoska Gorgor oo tababar loo soo xiray (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---