Dowlada Masar oo dhaqan gelineysa sharci yaab leh iyo muran ka dhashay

Muran ka dhashay sharciga cusub oo la soo saaray ayaa ka taagan dalka Masar kaasoo ragga dambi ka dhigaya in raggu xaas labaad guursadaaniyadoon loo sheegin xaaska koowaad.

Xildhibaanad Amal Salama oo ka tirsan baarlamaanka dalka Masar ayaa ku baaqday in guurka labaad laga dhigo mid dambi ah haddii aan xaaska koowaad lagu wargelin marka ninku go’aansado inuu mid labaad guursado.

Waxay intaas ku dartay in ragga xaas kale guursada, iyagoo aan fasax ka heysanin xaaska koowaad ay tahay in lagu ciqaabo xariga iyo ganaax lacageed.

Hala Abuu Al-Saad oo ka tirsan baarlamaanka Masar ayaa soo jeedisay hindise sharciyeedka waxka bedelka qoraalka qodobkiisa 11-aad ee quseeya guurka badan.

Barnaamijkaan ayaa muran baahsan ka dhaliyay baraha bulshada ee dalka Masar, Dadka qaar ayaa dhaleeceeyay halka qaar kale oo u badan dumarka la qabana ay soo dhaweyeen.

Ka hadalka sharciga xaasaska badan kuma koobna Masaarida oo kaliya balse wuxuu ku faafay wadamada kale oo ka tirsan dalalka Carabta oo dadkooda isticmaala baraha bulshada ay hadal hayaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -