Allbanaadir.com
NEWS

Dowlada oo Shaacisay Magacyada Wasiiro iyo xubno kale oo heesta Hanti Dowladeed  

Hanti Dhowraha Guud ee Qaranka Soomaaliya ayaa qoraal uu soo saaray ku amray Wasiiro hore oo katirsanaa Xukuumada Soomaaliya , Xildhibaano katirsan labada Aqal ee dowlada iyo masuuliyiin kale oo heesta Gaadiid kala duwan oo ah hanti dowlada leedahay.

Qoraalka kasoo baxay Hanti Dhowraha Qaranka ayaa lagu faray Wasiirka Ciyaaradaha iyo Dhalinyarada Xamza Saciid Xamza , Wasiirkii hore Arrimaha Dibadda, Wasiirkii hore Arrimaha Gudaha, Wasiirkii hore Diinta iyo Awqaafta, in ay soo celiyaan gaadiid Dowlada leedahay oo ku maqan.

Waxaa sidoo kale masuuliyiinta la faray in gaadiidka dowlada soo celiyaan ku jira Xildhibaano katirsan labada Aqal ee Baarlamaanka federaalka ay ku jiraan Wasiiru Dowlihii hore ee Arimaha Dibadda C/llaahi Faarax Wehliye, Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow iyo Senatar Ayuub Ismaaciil.

Hanti Dhowraha Qaranka ayaa masuuliyiintan ku amaray in gaadiidka ku maqan oo isugu jira kuwa aan Xabaduhu karin iyo gaadiid kale oo qaali ah in ay kusoo celiyaan mudo 10-cisho gudahood.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Trump oo gaaray Magalada New York, xilli Maxkamadeyntiisu ka bilaabaneyso (Sawirro)

Caydiid Ali

Safiirkii Britain u fadhiyey Maraykanka oo kashifay sir u qarsooneyd Trump

Caydiid Ali

Jubbaland oo shaacisay jadwalka doorashada 6 ka mid ah kuraasta Golaha Shacabka

Caydiid Ali
Taboola Ads ---