Allbanaadir.com
NEWS

Haweeney ka tirsaneyd Al-Shabaab oo ciidamada Kenya kala qeyb gashay dhoolatus

Haweeney la aaminsan yahay iney xirir la leedahay kooxda Al-Shabaab ayaa lagu xiray deegaanka Tinderet oo ka tirsan gobolka Nandi ee dalka Kenya.

Waxay ka qayb gashay dhoolatuska qoritaanka askarta cusub ee milatariga Kenya, ee dhawaan la soo gebagabeeyey sida ay sheegeen saraakiisha Booliska.

Agaasimaha waaxda dambi baarista Kenya George Kinoti ayaa sheegay in Booliska fadhigoodu yahay saldhiga Soghor ay xabsiga u taxaabay haweenaydan oo aan magaceeda la sheegin

“Waxay u sheegtay dambi baarayaasha inay Soomaaliya ku sugnayd laba sano, ayna Al-shabaab ka afduubteen degaanka Kilifi, sannadkii 2019,”  ayuu yiri yiri dambi baare George  Kinoti.

Booliiska Kenya ayaa sheegay in haweenaydu ay qiratay in la baray xirfado ku saabsan maaraynta hubka, afduubka, isticmaalka walxaha qarxa iyo sidoo kale xirfado kale.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Dowladda oo War kasoo saartay howlgal lagu dilay xubno badan oo katirsan Al Shabaab

Cabdi Cade

Madaxda sare ee dowlada oo kulan xasaasi ah ku leh Villa Somalia

Caydiid Ali

Ciidamada Galmudug oo gacanta ku dhigay hub badan oo loo waday Ahlu Sunna

Cabdi Cade
Taboola Ads ---