Haweeney Doolsho si anshax daro ah u sameesay oo la xiray iyo Hadal heyn ka dhalatay

Ciidamada booliiska dalka Masar ayaa xabsiga dhigay Haweeney lagu eedeeyay in ay sameesay doolsho anshax xumo ah , kadib markii doolshadaasi oo si anshax daro ah loo sameeyay hadal heyn badan ka abuurtay baraha bulshada .

Warbaahinta dalka Masar ayaa baahisay in haweeneydan xaflad ka socotay magaalada Qaahira kusoo bandhigtay doolsho loo ekeesiiyay xubinta Taranka, taas oo dad badan layaab ku noqotoy.

Dadkii kasoo qeyb galay xaflada oo sawirro ka qaaday doolshada xubinta Taranka loo ekeesiyay ayaa ku baahiyay baraha bulshada, waxa ayna doolshadan hadal heyn badan ka abuurtay gudaha dalka Masar.

Ciidamada booliiska oo si deg deg ah howlgal u sameeyay ayaa gacanta kusoo dhigay haweeneyda lagu eedeeyay in ay sameesay doolshada sida anshax darada loo sameeyay, waxa ay sidoo kale booliiska baadi goobayaan dad kale oo la tuhmayo.

Laamaha amaanka dalka Masar ayaa sidoo kale baadi goob ugu jira dad la tuhmayo in ay soo qaan qaabiyeen xafladan sida qarsoodiga ah loo dhigayay ee lagu soo bandhigay doolshada sida anshax darada ah loo sameeyay.

Culimada dalka Masar qaarkood oo ka hadlay doolshadan sida anshax darada loo sameeyay ayaa tilmaamay in diinta Islaamka aysan ogoleyn in la sameeyo doolsho noocaasi oo kale ah, waxa ayna xuseen in falkaasi wax u dhimayo dhaqanka suuban.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -