Ciidanka Xoogga dalka & AMISOM oo fuliyey howlgal ka dhan ah Al-Shabaab (Sawirro)

Ciidanka Xoogga dalka oo ay kaabayaan Millitariga AMISOM ayaa howlgalo ka dhan ah Al-Shabaab ka fuliyay degaanno hoos taga Magaalada Baladweyne ee Gobolka Hiiraan.

Saraakiisha AMISOM ee qeybta ka ah howlgallada ayaa sheegay inuu ujeedkoodu yahay sidii ay u ciribtiri lahaayeen haraadiga wax uu ugu yeeray argagixisada, kuwaasoo xubno ka mid ah ay gabaad ka dhigteen dhulka howdka ah ee miyiga Baladweyne.

Guddoomiyaha degmada Baladweyne, Cusmaan dhicisoow dhuuboow ayaa sheegay in howlgalkan uu wax badan ka baddalayo ammaanka Magaalada, wuxuuna sheegay inuu sii socon doono inta ay ka qabsoomayaan doorashooyinka golaha shacabka ee dhowaan la filayo inay ka dhacaan halkaas.

Magaalada Baladweyne ayaa isu diyaarineyso inay dhowaan marti-geliso qabashada doorashooyinka Xildhibaannada Aqalka hoose, waxaana si is-daba jooga halkaasi ugu soconaya howl-gallo lagu sugayo ammaanka guud.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -