Rooble oo arin Xasaasi ah oo kusoo korortay Doorashada kala hadlay Maxamed Cirro

Doorashada Xildhibaanada golaha shacabka ee Baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa ku bilaabatay qaab musuq maasuq iyo awood sheegasho u muuqata, waxa ayna taasi walaac ku abuurtay Musharaxiin badan iyo beelaha iska leh kuraasta qaar.

Qaar kamid ah beelaha iska leh kuraasta lagu dooranayo magaalada Dhuusomareeb iyo Musharaxiin ayaa sheegay in kuraastooda la boobayo loona xiray dad gaar ah oo la wato loogana dhigay ergo Ciidamo Muqdisho laga qaaday.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo loo gudbiyay cabasho badan oo la xariirta doorashada bilaabatay ayaa kulan deg deg ah la qaatay Gudoomiyaha guddiga doorashada heer federaal.

Rooble ayaa kala hadlay Guddoomiyaha Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal Mudane Maxamed Xasan Cirro toosinta iyo hufnaanta doorashada Golaha Shacabka ee BFS iyo xaqiijinta in aan cidna lugu xadgudbin.

Madaxda Dowlad Goboleedyada iyo Villa Soomaaliya ayaa lagu eedeeyay boobka doorshadaa golaha Shacabka, lamana oga waxa ay ka bali doonto boobka socda arintan uu Rooble kala hadlay Gudoomiyaha Guddiga Doorashooyinka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -