Allbanaadir.com
NEWS

Dab xooggan oo goordhaw ka kacay suuqa degmada Xamarweyne iyo dedaalo socda

Dab xooggan ayaa goordhaw ka kacay suuqa weyn ee degmada Xamarweyne, waxaana socda dedaalo la doonayo in debka ka kacay suuqa lagu damiyo.

Gaadiidka dab-damiska iyo ciidamada ammaanka ayaa gaaray suuqa dabka ka kacay , waxaana sidoo kale daminta dabka gacan weyn ka geesanaya dadka deegaanka iyo ganacsatada.

Dabka ayaa markii hore ka kacay suuqa qeybta Masjidka Marwaaz, waxaa uuna ku fiday meelo ka mid ah Suuqa sida Dahablaha iyo kawaanka Hilibka lagu iibiyo.

Ciidamada ammaanka ayaa xaqiijinaya ammaanka suuqa Xamarweyne, si aysan kooxo burcad ah boob iyo dhac uga geysan.

Waxii warar ee soo kordha kala soco wararkayaga dambe insha allah.

Related posts

(Sawirro) Booliska Muqdisho oo howlgal ku qabtay nin loo heysto fal dembiyeed culus

Caydiid Ali

Madaxda dalka Kenya oo ka duceesanaya Dambiyada iyo Tuugnimada (Daawo Sawirro)

Cabdi Cade

Kaneeco dhimatay oo Sabab u noqotay in la qabto Tuug hanti qaali ah xaday !

Cabdi Cade
Taboola Ads ---