Masuul Soomaali ah oo Shaaciyay in uu ku biirayo Dagaalka ka dhanka ah TPLF

Ra’isul Wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Axmed ayaa hormuud u ah masuuliyiinta, dadka magaca leh iyo bulshada kale ee ku biireysa dagaalka looga soo horjeedo in talada dalka kula wareegaan Qowmiyada Tigrey.

Injineer Maxamed Shaale Isxaaq oo ah madaxa xisbiga haya talada Itoobiya ee u qaabilsan Dowlad Deegaanka Soomaalida ayaa shaaca ka qaaday in uu ku biirayo dagaalka looga soo horjeedo Jabhada TPLF .

“Waxaan diyaar u ahay in aan tego jiidda hore ee dagaalka, waxaana u hoggaansamayaa baaqa Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed ”  ayaa lagu yiri qoraal lasoo dhigay barta Facebooka ee xisbiga talada Itoobiya haya.

Masuuliyiinta katirsan dowlada Federaalka Itoobiya ee ku biiraya dagaalka looga soo horjeedo TPLF ayaa sii kordhaya, waxaana shalay jiidaha hore ee dagaalka lagu arkay Ra’isul Wasaarahya Itoobiya Abiy Axmed.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

 

- Advertisement -