Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Qarax dhimasho geystay oo ka dhacay Magaalada Muqdisho (Daawo Sawirro)

Qarax ayaa goor dhow oo galabnimadan ah waxaa uu ka dhacay wadada Maka Al-Mukarama ee magaalada Muqdisho gaar ahaan agagaarka isgoyska Sayidka.

Sida Wararku nagu soo gaarayaan gaari noociisu ahaa carib oo qarax loogu soo xiray qofkii lahaa ayaa si lama filaan ah ugu qarxay agagaarka sayidka.

Goob joogayaal ayaa sheegaya in qaraxa ka dib uu gaarigu ka kacay dab aad u xoogan, waxaana goobta gaaray gaadiidka dab demiska iyo ciidamada amaanka oo goobta xiray.

Qofkii watay gaariga ayaa la soo sheegayaa inuu ku dhintay qaraxaas halka labo kale ay ku dhaawacmeen, welina lama oga waxaa uu ahaa qofka dhintay iyo sababta loo beegsaday.

Goobta qaraxu ka dhacay ayaa u dhow isgoyska Sayidka oo qaraxyo is-miidaamin ah ay horey uga dhaceen, waxayna sidoo kale kaabiga ku heysaa Wasaaradda amniga xukuumadda oo degan xarunta Otto Otto ee halkaas ku taalla.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Dugsi Quraan Online ah oo fursad qaaliya u haya qurbajoogta Soomaaliyeed iyo Caruurtooda

Cabdi Cade

Dokumenti xasaasi ah oo lagu wareejiyey Guddiga Madaxa banaan ee Dastuurka

Caydiid Ali

Ciidanka Nabad Sugida oo soo bandhigay labo xubnood oo kasoo goostay Al Shabaab

Cabdi Cade
Taboola Ads ---