Mahad Cabdalla Cawad oo mar kale Xildhibaan loo doortay iyo codad badan oo..

Waxaa goordhaw doorasho ka dhacday magaalada Dhuusomareeb ee caasimada dowlad goboleedka Galmudug kursiga Xildhibaanimo mar kale loogu doortay  guddoomiye kuxigeenka labaad ee Golaha Shacabka Mahad Cabdalla Cawad.

Doorashada goordhaw ka dhacday magaalada Dhuusomareeb oo natiijadeeda horey loo sii ogaa ayaa waxaa ku tartamayay Mahad Cabdalla Cawad iyo Gabar Malxiis u aheyd oo lagu magacaabo Shukri Cali Faarax,.

Mahad Cabdalla Cawad ayaa helay 84-cod oo kamid ahaa ergadii dooraneysay kursigan oo tirsigiisu ahaa Hop104, gabadha la tartameysay Shugri Cali ayaan helin wax cod ah, waxaana halaabay 17-cod .

Doorashadan ayaana noqotay mid hadal heyn badan abuurtay, codadka halaabay ayaana noqday kuwii ugu badnaa doorashada dalka ka bilaabatay, waxaana dad badan isweediyeen waxa dhaliyay in 17-cod mar kaliya halaabaan.

Magaalada Dhuusomareeb ayaa sidoo kale la filayaa in isna goordhaw lagu doorto Yuusuf Geelle Ugaas Dhagey oo isna galaya doorasho natiijadeeda lasii ogyahay uuna kula tartamo shaqsi malxiis ahaan uu usoo watay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -