DEG DEG: Dowlada Iran oo u digtay wadan kasta oo laga soo weeraro dhulkeeda

Telefishinka Al-jazeera ayaa ku warramaya inay Iran ugu hanjabtay waddan kasta oo ogolaada hawadiisa iyo dhulkiisa in laga soo weerarro inay si dhaqso ah u beegsan doonto.

“Waxaan si adag uga jawaabi doonnaa waddan kasta oo hawadiisa ama dhulkiisa u fura si loo weerarro Iran,” ayuu yiri Wasiirka Difaaca Iran oo ay xigatay Aljazeera.

“Waddan kasta oo hawadiisa ama ciidiisa u fura Israa’iil si ay u weerarto Iran waxay heli doontaa jawaabtayada go’aanka ah,” ayaa lagu yiri warka dawladda IRNA, isagoo soo xiganaya Ashtiani.

Hadalkan ayaa u muuqda mid ku wajahan dalalka carabta oo Mareykanku ku leeyahay saldhigyo milateri sida Sacuudiga, Qatar, Imaaraadka, Kuwait iyo Ciraaq.

- Advertisement -