Ciidamada Galmudug oo gacanta kusoo dhigay Rag dilal geestay oo baxsad ku jiray (Sawirro)

Ciidamada amaanka dowlad goboleedka Galmudug ayaa gacanta kusoo dhigay rag hubeesan oo la sheegay in dilal ka geestay degaan lagu magacaabo Dhagtuur oo kuyaala koofurta Gobolka Mudug.

Ragan dilalka geestay ayaa ka baxsaday deegaanka ay dilalka ka fuliyeen, waxaana ciidamada maamulka Galmudug ku jireen howlgal socday mudo 8-maalin ah ay ku baadi goobayeen ragan dilalka deegaanka ka geestay.

Ciidamada Galmudug ayaa sidoo kale howlgalkooda kusoo qabtay qaar kamid ah waalidiinta dhalay raga dilalka geestay kuwaa oo iyana la sheegay in deegaanka ka baxsadeen markii dilalka dhaceen.

Dadka loo soo qabtay dilalkii ka dhacay deegaanka Dhagtuur ee gobolka Mudug ayaa loo soo qaaday xabsiga Caasimada Galmudug ee Dhuusamareeb, waxaana la filayaa in ragaasi maxkamad la horgeeyo laguna rido xukun.

Deegaano kuyaala Galmudug ayaa waxaa ka dhacay dilalka salka ku haya aanooyin qabiil, dilalkan ayaana mararka qaar abuura dagaalo dhiig badan ku daato oo dhax mara beelo walaalo ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -