Dowlada Soomaaliya oo mamnuucday in dalka soo galaan dadka ka imaanaya afar wadan

Dowlada Soomaaliya ayaa soo saartay amar dalka looga mamnuucayo in ay soo galaan dadka ka imaanaya afar kamid ah wadamada Caalamka gaar ahaan kuwa uu sida weyn u saameeyay Caabuqa Caronavirus.

Hey’adda Duulista rayidka ee dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa qoraal ay soo saartay ku mamnuucday in dalka soo galaan dadka ka imaanaya Wadamada Shiinaha, Talyaaniga, Iiraan iyo Kuuriyada Koonfureed.

Qoraalka kasoo baxay Hey’adda Duulista rayidka ayaa lagu faray duuliyaasha diyaaradaha iyo shaqaalaha la socda in ay kala soo xiriiraan qalabka raadiyaha howlwadeenada hey’adda duulista hadii ay arkaan qof looga shakiyay caabuqa Caronavirus si looga hortago ama loo baaro .

Dowlada Soomaaliya ayaa garoonka diyaaradaha Aadan Cadde iyo Dekadda Muqdisho geesay howlwadeeno caafimaad oo dadka dalka soo galaya ka baaraya in ay qabaan cudurka Caronavirus oo dunida kusii faafaya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -