Allbanaadir.com
NEWS

FBI-da Mareykanka oo Abaal marin gudoon siisay Gabar Soomaaliyeed (Daawo Sawirada)

Gabar Soomaaliyeed oo heesta dhalashada dalka Mareykanka ayaa abaal marin ka heshay Hay’ada FBI-da dalka Mareykanka, waxa ayna gabadhan kamid noqotay dad badan oo abaal marino kala duwan la siiyay.

Deeqo Jibriil ayaa kamid noqotay 57-qof oo Hay’ada FBI-da Mareykank abaal marino gudoonsiisay, waxaana munaasabada abaal marinta lagu bixinayay lagu qabtay magaalada Washigton oo kutaalo xarunta ugu Weyn ee FBI-da.

Abaal marintan ay bixiso FBI-da ayaa la siiyaa dadka u dhaqdhaqaaqa arrimaha bulshada, isla markaana fuliya adeegyada kala duwan, kana qeyb qaata hormarinta bulshooyinka ay la noolyihiin.

Gabadhan Soomaaliyeed ayaa aas aastay uruo dhaqan ay Soomaalidu leeyihiin, waxaana ururkan uu ka shaqeeyaa sidii dadka Soomaaliyeed u dhax gali lahaayeen una baran lahaayeen dhaqanka dadka ay la nool yihiin.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

War-Saxaafadeed caawa ka soo baxay xafiiska Madaxweynaha Somalia (Akhriso)

Caydiid Ali

Raisul Wasaare Khayre oo ka hadlay safarkiisii Imaaraadka & Heshiiskii dekeda Berbera

Caydiid Ali

Ruushka oo diiday qaraar lagu dalbanayey joojinta dagaalka Sudan

Caydiid Ali
Taboola Ads ---