Doorasho Natiijadeeda lasii og yahay oo maanta ka dhacay magaalada Dhuusomareeb

Waxaa maanta oo Sabti ah lagu wadaa in magaalada Dhuusomareeb ee caasimada dowlad goboleedka Galmudug ka dhacdo doorashada labada kursi ee ugu dambeeya kuraasta uu ka kooban yahay Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka.

Doorashada labada kursi ee maanta ka dhaceysa magaalada Dhuusomareeb ayaa ah mid aan xiiso badan laheyn, waana doorasho lasii ogyahay shaqsiyaadka lagu dooranayo ama kusoo baxaya.

Senator Cabdi Xasan Cawaale qeybdiid iyo Cabdi Cismaan Xareed ayaa lasii ogyahay in ay kusoo baxayaan doorashada maanta ka dhaceysa magaalada Dhuusomareeb, labadaan musharax waxaa wata Madaxweynaha Galmudug Qoor Qoor.

Musharaxiinta la tartameysa labadan shaqsi ee sida gaarka ah loo wato ayaa ah kuwa malxiis ahaan loo diiwaan geliyay, waxaana wararka aan helnay sheegayaan in musharaxiintan ay keensadeen labadan siyaasi uu wato Madaxweyne Qoor Qoor.

Senataro Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka ayaa intooda badan kusoo baxay doorasho aan xalaal aheyn, waxaana Senatarada badankood wateen musharaxiin Mlaxiis ah oo iyagu wateen kana dhiibeen xitaa lacagta diiwaan gelinta.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -