Allbanaadir.com
NEWS

Ciidamada Kumaandooska Soomaaliya oo maanta la wareegay Deegaan Al Shabaab heesteen

Ciidamada Kumaandooska Soomaaliya ay wehliyaan ciidamo katirsan maamulka Jubbaland ayaa maanta la wareegay deegaan lagu magacaabo Araare oo kuyaala duleedka degmada Jamaame ee gobolka Jubada Hoose.

Saraakiil katirsan Milatariga Soomaaliya ayaa Warbaahinta u sheegay in ciidamada huwanta ah maanta la wareegeen deegaanka Araare oo horey u maamulayeen dagaalyahano katirsan Al Shabaab.

Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in ciidamada Huwanta ah deegaanka Araare la wareegeen dagaal la’aan, waxaana deegaankaasi isaga baxay dagaalyahanadii Al Shabaab ee maamulayay.

Ciidamada Kumaandooska, kuwa Jubbaland iyo Ciidamo kale oo wehliya ayaa maalmihii lasoo dhaafay howlgalo milatari waxa ay ka wadeen deegaano katirsan gobolka Jubada Hoose, waxa ayna la wareegeen deegaano dhowr ah oo Al Shabaab horey u heesteen.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Afhayeenka Al-Shabaab oo ka hadlay Weerarkii saaka ka dhacay Gaalkacyo

Caydiid Ali

Maxaa ka jira in Madaxweyne Farmaajo diiday inuu qaabilo qoyska Ikraan Tahliil?

Caydiid Ali

RW Khayre oo si aan caadi laheyn loogu soo dhoweeyey Qardho (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---