Afhayeenka Al-Shabaab oo ka hadlay Weerarkii saaka ka dhacay Gaalkacyo

Afhayeenka Xarakada Al-shabaab Sheekh Cali Maxamuud (Cali Dheere) ayaa ka hadlay weerar qaraxyo ku bilowday oo saaka ka dhacay magaalada Gaalkacyo, kaasoo lagu beegsaday xarunta Wadaad lagu magacaabi jiray C/weli Sheekh Cilmi Yare.

Sheekh Cali Dheere oo warbaahinta Alshabaab ka hadlay ayaa sheegay in ciidamada Alshabaab ka takhaluseen nin uu sheegay inuu gaaloobay oo u gefay Nebi Muxamed, isla markaana ay tallaabo ka qaadeen oo umadda muslimiinta ay dhaafiyeen sida uu yiri.

“Islaamku wuxuu qabaa in qofkii aflagaadeysa ama u gefta inuu diinta ka baxay, xukunkiisana waa dil” ayuu yiri afhayeenka Al-shabaab oo wadaadka la dilay ku eedeeyey in sidoo kale uu ku howlanaa fasahaadinta bulshadam sida, dumarka, uuna wado baadil ah ku hagayey sida uu yiri.

Sheekh Cali Dheere ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay in reer Gaalkacyo dhexdooda lagu aflagaadeeyo Rasuulka SCW, wuxuuna uga baaqay dadka magaaladaasi inaysan mar kale dhicin arrintaasi oo kale.

Ku dhawaad 20 ruux oo uu ku jiro Sheekh Cabdiweli Cilmi Yare iyo labo caruurtiisa ka mid ah ayaa lagu dilay weerarka Gaalkacyo oo isugu jiray is qarxin ah iyo weerar toos ah oo lagu bartilmaameedsaday xarunta wadaadkaas.

Afhayeenka Al-shabaab ayaan dhinaca kale soo hadal qaadin qarax gaari laga soo buuxiyey oo maanta lala beegsaday Suuq ku yaalla degmada Wadajir kaasoo ay ku dhinteen dadka badan 10 qof qaar kale oo badana ay ku dhaawacmeen.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -