Maxaa ka jira in Madaxweyne Farmaajo diiday inuu qaabilo qoyska Ikraan Tahliil?

Ugaaska beesha Gaaljecel Ugaas Cabdiraxmaan Ugaas Cabdullaahi Ugaas Maxamed ayaa dhaleeceeyey Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday ee Somalia Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo uu ku eedeeyey inuu rabo in la baabi’iyo kiiska Ikraan, lana joojiyo baaritaanka.

Ugaasku ayaa sheegay in Farmaajo uusan maalina ka hadlin xaalada Ikraan, isla markaana uu diiday inuu qaabilo qoyska iyo ehelladeed oo uu isagu Ugaas ahaan qeyb ka ahaa.

Allbanaadir Online ma xaqiijin karto hadalka Ugaaska ee sheegaya in Farmaajo diiday qaabilida qoyska Ikraan Tahliil ee xiisada ka dhex abuuray madaxda dalka.

“Ilaahay ayaa dilaaciyey xaqa, maanta howshii meel fiican ayey mareysaa waxaana nasiib daro ah  Farmaajo hadda hor-istaago, waxaan leeyahay madaxweyne arrintaas kuguma haboona ee ka fiirso” ayuu yiri Ugaaska  oo taageeray dedaalada ii Rooble ka wado in daaha laga qaado wax ku dhacay Ikraan, ayna hesho cadaalad.

“Madaxweynaha waa uu ka shaqeynaya inuu inuu duugo dhibka ku dhacay gabadheena, warkaas si sir ah ayuu noo soo gaaray. Waxaa leenahay madaxweyne gabadha maqan waxay lamid tahay gabdhaha aad dhashay.” ayuu intaas ku daray Ugaaska

Sidoo kale waxa uu sheegay iney hadda u baahan yihiin in maxkamad la soo taago cidda ka dambeysay arrintaas marka la soo afjaro baaritaankaas.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -