RW Khayre oo si aan caadi laheyn loogu soo dhoweeyey Qardho (Daawo Sawirro)

Ra’iisul Wasaaraha federaalka Soomaaliya, Xasan Cali Kheyre iyo wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo ayaa gaaray Magaalada Qardho ee gobolka Karkaar.

Kheyre ayaa safarkiisa ku wehliyay, qaar ka mid ah Madaxda golayaasha dowladda federaalka Soomaaliya iyo xubno ka mid ah masuuliyiinta ugu sarreysa Puntland.

Wafdiga Ra’iisul wasaaraha oo ka ambabaxay Magaalada Garoowe ayaa waxaa si weyn ugu soo dhoweeyay Magaalada Qardho, qaar ka mid ah Madaxda maamul Goboleedka Puntland, Duubabka dhaqanka iyo Dadweyne aad u tiro badan, oo ruxayay caleemo qoyan iyo Calanka Soomaaliya.

Raisul wasaaraha ayaa lagu wadaa inuu halkaasi kulan kula qaato xubno ka tirsan Maamulka Degmada Qardho, madaxda dhaqanka iyo wax garad kale, wuxuuna uga sii gudbi doonaa safarkiisa magaalada Boosaaso ee gobolka Bari.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -