Allbanaadir.com
NEWS

Puntland oo Weerar ku qaaday Laascaanood iyo Maxaabiis saldhigyo laga sii daayay

Maamulka Puntland ayaa sheegay in ciidamo katirsan maamulkooda xalay weerar qorsheesan ku qaadeen gudaha magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, halkaas ay maamusho  Somaliland.

Gudoomiyaha Gobolka Sool ee Puntland Abuukar Cabdi Geele ayaa Warbaahinta u sheegay in ciidamo katirsan Puntland ay howlgal ka fuliyeen gudaha Laascaanood, waxa uuna xusay in ciidankooda la wareegeen labo saldhig ay ku sugnaayeen ciidamada Somaliland.

Waxa uu sheegay Abuukar Geelle in saldhigyada ay la wareegeen ay ku xirnaayeen shacab si xaqdaro ah u xireen ciidamada Somaliland, waxa uuna tilmaamay in dhamaan dadkii xabsiyadaasi ku jiray ay sii daayeen.

” Ciidankeena Xalay waxa ay gudaha Laascaanood ka samayeen howlgalo ,waxaan qabsanay labo saldhig oo ay Somaliland ku xirtay dad maato ah oo diiday joogitaankooda,ma jirto wax khasaare ah oo soo gaaray ciidankayaga howsha qabtay” Ayuu yiri gudoomiyaha gobolka Sool ee Puntland.

Maamulka Somaliland oo maamula magaalada Laascaanood ayaan wali ka hadlin warkan kasoo baxay dhinaca Puntland, waxaana howlgalkan Puntland sheegatay in ay fulisay imaanayaa xili gobolka Sool wali ka jirto xiisad u dhaxeysa Puntland iyo Somaliland.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Daawo Sawiro: Sida Garoowe looga diyaar garoobay soo dhoweynta Madaxweyne Farmaajo

Caydiid Ali

Itoobiya oo ku biireysa Urur ay horey Soomaaliya ugu biirtay iyo Kenya oo ka hadashay

Cabdi Cade

Barnaamijka Carbiska Shaqo Qaran ee Somaliland oo la Daah Furay (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---