Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Beesha caalamka oo bilowday dedaalo lagu baajinayo dagaal ka dhaca Addis ababa

Waxaa sii xoogeysanaya dadaalada diblomaasiyadeed oo lagu hakinayo weerar lagu qaado caasimadda Ethiopia ee Addis-Ababa kadib markii ciidamada Tigray ay toddobaadkan horumar ka sameeyeen dagaalka.

Ciidamada Tigray-ga ayaa ku sugan magaalada Kemise ee gobolka Amxaarada oo 325 km u jirta Addis-Ababa, sida uu sheegay afhayeenka TPLF Getachew Reda.

Wakiilka gaarka ah ee Mareykanka u qaabilsan Geeska Afrika, Jeffrey Feltman ayaa maanta gaaray magaalada Addis Ababa, si uu u cadaadiyo in la hakiyo howlgallada militari loona billaabo wadahadallo xabad joojin ah.

Madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni ayaa ku baaqay kulan ay hogaamiyayaasha Bariga Afrika isugu yimaadaan 16-ka November si looga wadahadlo dagaalka dowladda Ethiopia iyo kooxda TPLF.

Sidoo kale, ururka goboleedka IGAD ayaa ku baaqay xabad joojin deg deg ah, wuxuuna dhinacyada ku booriyey inay muujiyaan isxakameyn.

Xogyahaha guud ee QM Antonio Guterres ayaa isna sheegay inuu la hadlay ra’iisul wasaaraha Ethiopia Abiy Ahmed, una yaboohay taageerada xafiiskiisa si loo abuuro jawi wadahadal loona joojiyo dagaalka.

Washington ayaa iyana Arbacadii sheegtay “inay si xooggan uga walaacsan tahay” xaaladda, waxayna ku baaqday in la hakiyo howlgallada militari.

Dowladda ayaa Talaadadii waxay xaalad deg deg ah gelisay dalka kadib markii Tigray-ga ay ku hanjabeen inay qabsan doonaan caasimadda.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

PubG oo Sabab u noqday in Wiil dhalinyaro ah uu laayo Xubno badan oo katirsan Qoyskiisa

Cabdi Cade

(Akhriso) Jubbaland oo dabagal & baaris ku bilowday Shaqsiyaad iyo Shirkado

Caydiid Ali

Golaha wasiirada oo War kulul ka soo saaray weerarkii xafiiska RW Rooble (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---