PubG oo Sabab u noqday in Wiil dhalinyaro ah uu laayo Xubno badan oo katirsan Qoyskiisa

Magaalada Lahore ee Dalka Pakistan waxaa ka dhacday arrin murugo iyo uurkutaalo ku beertay dad badan, kaddib markii wiil 18-sano jir ah uu laayay xubno badan oo katirsan qoyskiisa oo ay ku jirto hooyadiis.

War kasoo baxay booliiska dalka Pakistan maanta oo jimco ah ayaa lagu shaaciyay in ay xireen wiil 18-sano jir ah oo la ogaaday in uu dilay hooyadiis, walaalkiis iyo sadex gabdhood oo la dhashay.

Wiilka dilka geestay oo la qabsaday ciyaarista Game-ka loo yaqaan PubG ayaa la sheegay in uu soo qaatay biskoolad hooyadiis laheyd kadibna uu gurigooda ku dhax dilay hooyadiis iyo walaalihiis.

Booliiska ayaa sheegay in wiilkan oon markii hore falkan dilka ah aan looga shakin hada la ogaaday in isagu ka dambeeyay, waxaana la sheegay in wiilkan u dhaqmay sida loo ciyaaro oo kale PunG uuna dhulka jiiftay marka uu dilayay xubnaha qoyskiisa.

Afhayeen u hadlay booliska ayaa sheegay wiilka kasoo xigteen in falkaan uu ku kacay, kaddib markii uu aad uga walwalay guul darrooyin kasoo gaaray ciyaarta PubG dhexdeeda, taasoo marar badan looga adkaaday kuna abuuray walaac.

Wiilkan dilka u geestay qoyskiisa ayaa markii hore loo qaatay in uu ka badbaaday weerar gurigooda lagu soo qaaday, hasa ahaatee waxa ashaki dhashay markii uu wiilkan ka baxsaday guriga habaryartiis xili booliiska u balan qaadeen in ay ilaalinayaan.

Dowlada Pakistan ayaa loogu baaqay hada in ay joojiyaan isticmaalka game-ka PubG oo dhibaato badan u horseeday dhalinyarada dalkaasi, waxaana dhawaan dalka Pakistan isku dilay wiil qoyskiisa u diideen isticmaalka PubG.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -