Boqolaal ka tirsan Xuutiyiinta Yemen oo saacado gudahood duqeymo lagu laayey

Sida ay shaacisay Warbaahinta dalka Boqortooyada Sacuudiga dagaalo xoogan iyo duqeymo ka dhacay magaalada Marib 24-kii saac ee la soo dhaafay ayaa lagu dilay 115 ka tirsan kooxda Xuutiyiinta Yemen.

isbaheysiga Carabta ee taageeraya dowladda Yemen ayaa weeraro xagga cirka ah oo ay ka geysteen dalkaasi saddexdii todobaad ee la soo dhaafay ku dilay 2,600 oo qof

“Gaadiidka dagaalka 14 ka mid ah ayaa la burburiyay, halka 115 ka mid ah kooxda Xuutiyiinta lagu dilay weerarka 24-kii saac ee la soo dhaafay duqeymo ka dhacay degmada Sirwah, ee magaalada Marib ee Waqooyiga Gobolka Al-Jawf”. Ayaa lagu sheegay bayaan ka soo baxay boqortooyada Sacuudiga.

Dagaalka Yemen oo bilowday 2014-kii kadib markii kooxda Xuutiyiinta ay qabsadeen magaalada caasimadda ah ee Sanca, ayaa waxaa lagu guuleystay in dalalka Carabta oo ay horkaceyso Sacuudiga gacan ka geysteen inay taageeraan dowladda oo suurta gelisay in meelo badan laga qabsado Xuutiyiinta.

Sida ay shaacisay Qaramada Midoobay Kumaan dad ah ayaa ku nafwaayay colaadda, halka malaayiin kale oo dad ah ay ku barakaceen dagaalada ka socda Yemen.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -