Dowlada Soomaaliya oo amar ku siisay Simon Mulungo in dalka uga baxo mudo 7 Maalin ah

Qoraal kasoo baxay Wasaarada Arimaha Dibadda Dowladda Soomaaliya ayaa lagu amray in mudo isbuuc ah dalka uga baxo kuxigeenka wakiilka Midowga Africa ee Arrimaha Somalia Simon Mulongo.

Wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya warqada kasoo baxday oo ay ku qoran tahay Persona Non-grata oo micnaheedu yahay in aan dalka laga rabin masuulkaan kadib markii lagu eedeeyay in uu dalka kawaday waxyaabo ka baxsan waajibaadkiisa ama shaqadii loo igmaday in uu qabto.

- Advertisement -