Diyaarado Drone ah oo NISA ku qabatay Muqdisho oo la shaaciyay ujeedka dalka loo keenay

Ciidamada Hay’adda Nabad Sugida Soomaaliya ayaa garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ku qabtay diyaarado nuuca aan duuliyaha laheyn ee loo yaqana Drones, kuwaa oo laga keenay dalka Turkiga.

Diyaaradahan aan duuliyaha laheyn ayaa ciidamada qabteen xili garoonka laga soo dejiyay lana doonayay in magaalada la galiyo, waxaana ciidamada NISA kaga shakiyeen diyaaradahan in ujeedooyin kale dalka loo keenay.

Xildhibaan Zakariye Maxamuud Xaaji Cabdi oo kamid ah Xildhibaanada waqtigoodu dhamaaday ayaa sheegay in diyaaradaha aan duuliyaha laheyn dalka u keeneen si loogu isticmaalo beeraha gaar ahaan buufinta cayayaanka sida ayaxa iyo waraabka beeraha.

“Dayuuradaha iswada “Drones” oo aan ka keenay wadanka Turkiga, Diyaaradahaas oo ay leedahay shirkadda Hufan oo ka shaqeysa ladagaalanka cayayaanka Beeraha, waraabka beeraha iyo dhammaan howlaha la xiriira beeraha, sida buufinta Ayaxa iyo in lagu ogaado wabiyada meelaha ay ka jilcanyihiin ee uu ka fatahaan, ayay hay’adda NISA si sharci darro ah ula wareegtay,” ayuu qoraalkiisa ku yiri Xildhibaan Zakariye.

Xildhibaanka ayaa ugu baaqay Hay’adda Nabad Sugida iyo Sirdoonka Qaranka in ay soo celiso diyaaradahaasi uu sheegay in ay leedahay shirkada Hufan oo ka shaqeysa arimaha beeraha iyo horumarintooda.

Diyaaradahan aan duuliyaha laheyn ee laga keenay dalka Turkiga oo gaaraya ilaa 6- ayaa xiliga la qabanayay la sheegay in ay fur furnaayeen, waxaana la socday labo Injineer oo u dhashay dalka Turkiga kuwaa oo loo keenay in ay isku rakibaan diyaaradahan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -