Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Ciidamo ka tirsan Kenya oo qarax lagu laayey & Al-Shabaab oo War soo saartay

Ciidamo ka tirsan kuwa Kenya ayaa la sheegay in qarax lagula eegtay degaan u dhow Magaalada Lamu, kaasoo khasaaro dhimasho iyo dhaawac leh geystay.

Qaraxa oo ahaa miino wadada lagu aasay ayaa qabsaday Gaadiid ay la socdeen Ciidamo Kenyan ah oo marayay wadada isku xirta degaannada Kinyonga iyo Mirani ee duleedka lamu, xilli ay roondo ah kujireen.

Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda qaraxaas, waxaana warar ay ku daabaceen Baraha Internet-ka ay ku sheegeen in qaraxaas ay ku dileen 10 kamid ah Ciidamada Kenya, sidoo kalena ay gubeen gaari.

Ciidamada Kenya ayaan weli ka hadlin qaraxaas, mana ahan markii ugu horeysay ee degaano hoostaga Magaalada lamu qaraxyo lagula eegto Ciidamada Kenya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Wax badan ka Ogow Habkii loo dilay Wariye Jamaal Khashoggi iyo Fashilka Sacuudiga !!

Cabdi Cade

Xog cusub oo ku saabsan shaqsiyada ninkii habeen hore dadka ku laayey dalka Norway

Caydiid Ali

Qarax Xoogan oo goordhaw ka dhacay Meel ku dhaw Koontaroolka Baar Ismaaciil

Cabdi Cade
Taboola Ads ---